Xiisadaan dagaal ayaa waxa ay Caawa ka taagan tahay deegaanka Buurdacaar oo hoostaga degmada Aaadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha dhexe,waxayna u dhaxeysaa Al-Shabaab iyo dadka deegaanka ah oo la Magaca baxay Macawuusleey.
Cali Maxamed oo ka mid ah Saraakiisha ciidamada Dowladda ee Gurmadka u tegay deegaankaas ayaa sheegay in Saacadihii la soo dhaafay uu deegaanka burdacar ka dhacay dagaal labada dhinac ka soo gaaray khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Waxa uu sheegay in dadkaan la Magac baxay Macaawusleyda ay ka cawdeen dhibaatooyin ay Al-Shabaab ku hayaan dadka deegaanka Burdacar oo hoostaga degmada Aadan-Yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Dagaaladii u dambeeyey ee dhexmaray Al-Shabaab iyo Ciidamada deegaanka ayuu sheegay in Al-Shabaab looga dilay 8 ruux halka dhankooda ay ka geeriyoodeen laba Ruux,isla markaana ay iska difaaceen.
Dadka dagaalkaas ku geeriyooday ayuu sheegay inuu ka mid ahaa Hoggaamiyihii kooxda macaawusleyda oo lagu Magacaabi jiray Hibaad Cali Dasar.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Sarkaalka oo dhameystiran.