(DHAGEESYO):-Madaafiic qasaare geestay oo ku dhacay degmada Wadajir.

Tiro hoobiyayaal ah ayaa goordhweyd ku dhacay xaafada Kaawa godey ee degmada wadjir meel aan sidaa uga fogeen halka uu maalin kahor ka dhacay qaraxii xooganaa ee geestay waxyeelada badan.

Goobjooge la hadalay Idaacada Dalsan ayaa sheegay in dhowr madfac ay kusoo dhacday xaafada kaawa godeey islamarkaana ay ka dhalatay waxyeelo isugu jirta dhimasha iyo dhaawac soo gaaray dad daganaa xafadaasi walow aan la’ogaan inta uu gaarsiisanyahay qasaaraha.

Madaafiicda qaar ayaa ku dhacday sida aan xogta ku helnay meel ku dhow xerada xalane ee dhanka kaawa godeey iyadoo qasaaraha madaafiicdaas ay kasoo baxayaan warar kala duwan.

Ciiddamada maamulka degmada wadajir ayaa gaaray goobta ay ku dhaceen hoobiyayaasha oo waxyeela geestay iyadoo lagu mashquulsanyahay qaadida dadka ku waxyeeloobay madafiicdaas si loo gaarsiiyo goobaha caafimaad ee Muqdisho.

Halkaan Hoose Ka Dhageeyso Codka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media