Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 51 August 10, 2020 ku magacaabay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada iyo Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal.
Madaxweynaha Maamulka Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay: Baahida loo qabo Dar-dar gelinta iyo xoojinta hawlaha Amniga.
Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda Ciidanimo.
Wuxuu xeeriyey:
1- Waxaa G/sare Cabdiqaadir Jamac Dirir loo Magacaabay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Puntland
2- Waxaa G/sare Maxamed Aadan Jaamac loo Magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal.
Xeerkani waxaa uu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.
G/sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir ayaa waxaa uu buuxinayaa Booska taliyihii hore ee Ciidamada Madaxtooyada Puntland, G/Sare Cismaan Cumar Itoobiyaan oo shalay ku geeriyooday dagaal kooban oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.