Fanaanka da’da yar Iidle Cabdullaahi Nuune (Iidle Yare) oo wareysi gaar ah siiyey Radio Dalsan, gaar ahaan barnaamijka fanka iyo suugaanta ayaa sheegay in heesaha Copy-ga uu qaado inuu sii wadayo, islamarkaana fanaankii dhintaa uu soo qaadi doono heeshihiisa, sibuu yiri dib loogu soo nooleeyo heesaha fanaankaas, waxaase uu sheegay inuu ku xusayo heesta uu qaadayo fanaankii lahaa.
Iidle oo Dalsan wax ka weydiisay arintaas ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in la xoojiyo fanka, islamarkaana loo baahanyahay in dib loo nooleeyo heesaha qaar, oo uu carabka ku dhuftay in dadku ay jecelyihiin.
Fanaan Iidle waxaa kaloo uu ka waramay taariikhda fankiisa, isagoo baranaamijkan ku soo bandhigay heeso cusub oo uu dhawaan ku luqeeyey.
Halkaan hoose ka dhageyso Barnaamijka.