Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday qorshe ay ku dooneyso in maamul-goboleed cusub looga dhiso Jubbaland, kaas oo noqon doona mid ka madax-bannaan maamulka haatan ka jira gobolka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
War-murtiyeed kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee ka dhacay Muqdisho ayaa si cad u xusay khilaafka siyaasadeed ee ka dhexeeya dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland. War-murtiyeedka ayaa faray Wasaaradda Arrimaha Gudaha in ay soo diyaarsato talo sharciyeed cad oo lagu wajihi karo xaaladda Jubbaland, si loo abuuro hannaan sharci ah oo xal waara loogu heli karo muranka taagan, loogana gudbo dhismaha maamul cusub oo sharciyad buuxda leh.
Jubbaland kama aysan qeyb gelin shirka Golaha Wadatashiga, taasoo loo aaneynayo khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo hoggaanka Jubbaland, kaasoo gaaray heer gacan ka hadal ah.
Khilaafka labada dhinac ayaa cirka isku shareeray tan iyo doorashadii lagu murmay ee ka dhacday magaalada Kismaayo bishii November 2024, taasoo mar kale uu kusoo baxay Axmed Madoobe. Dowladda Federaalka ayaa diiday inay aqoonsato natiijadaas doorasho, waxaana xiisaddaas keentay dagaal toos ah oo labada dhinac dhex maray.
Dowladda Jubbaland ayaa si degdeg ah uga falcelisay war-murtiyeedka kasoo baxay shirka Golaha Wadatashiga. Wasiirka Warfaafinta Jubbaland, Cabdifitaax Mukhtaar, ayaa qoraal uu soo saaray ku tilmaamay qodobada kasoo baxay shirka inay yihiin kuwo kasoo baxay hal xisbi, isla markaana aan metelin rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.
“Waa hadal ka yimid madaxda hal xisbi oo aan metelin dareenka guud ee shacabka Soomaaliyeed. Jubbaland ma aqbaleyso go’aanno lagu xadgudbayo awooddeeda siyaasadeed,”ayuu yiri Wasiirku, isagoo si cad u sheegay in maamulka Jubbaland uusan wax lug ah ku lahayn go’aamada kasoo baxay Golaha Wadatashiga.
Xaaladda Jubbaland ayaa u muuqata mid markale galeysa marxalad hubanti la’aan siyaasadeed, iyadoo dowladda Federaalka ay cadaadis ku saareyso dhismaha maamul cusub. Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in maamulka cusub laga abaabulayo gobolka Gedo, oo weli ah meel ay labada dhinac ku muransan yihiin gacan-ku-heynta dhabta ah.