Wednesday, May 21, 2025

DFS oo Hay’adaha gargaarka kala hadashey kordhinta howlaha samafalka+Sawirro

Mas’uuliyiinta wasaarddda Gar Gaarka Xukuumadda Soomaaliya ayaa shirkan isugu yeeray dhamaan hay’adaha gar gaarka ee k a howlgala dalka,waxaana ay isla garteen sidii loo kordhin lahaa howlaha gargaar ee Soomaaliya,si loo bad baadiyo nolosha dad badan,lagana hortago dhibaato kasta oo ka dhalankarta xaaladaha bani’aadanimo.

Wasiirka Gargaarka Xukuumadda Soomaliya Xamsa Siciid Xamsa oo shirkaasi kadib warbaahinta lahadlay wuxuuna faah faahiyay waxyaabihii shirkaasi looga hadlay.

“Shirkan wuxuu ku saabsanaa xaaladaha bani’aadanimo ee dalka kajira,waxaan la kulanay hay’adaha samafalka ee dalka ka howlgala,waxyaabaha aan diiradda ku saarnay ayaa ah sidii hay’adahaasi ay u kordhin lahaayeen howlaha samafalka ay dalka ka wadaan,si looga hortago dhibaatooyinka bani’aadanimo,si loo badbaadiyo nolosha bulsho badan”. Ayuu yiri Wasiir Xamza.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirtaa sidii looga gaashaaman lahaa waxyaabaha keena dhibaatooyinka abaaraha ee soo laa laabta iyo sidii bulshada dhibaataysan looga caawin lahaa in ay helaan biyo daryeel nololeed.

Bilan Media

Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Related Posts

Next Post

Welcome Back!

Login to your account below

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

-
00:00
00:00
Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00