Kadib munaasabad khamiistii maanta ka dhacday xarunta dagmada kaxda, ee Gobolka Banaadir, ayaa waxaa xilka maamulka dagmada kaxda kula wareegay gudoomiyaha cusub ee dagmadaasi Maxamed ismaaciil macalin.
Madasha xil wareejinta ayaa waxaa kusugnaa xubno katirsan maamulka Gobolka banaadir iyo waxgaradka degamadaasi.
Gudoomiyihii hore ee maanta xafiiska wareejiyay C/ladiif xasan badawi, waxaana uu Alle uga baryay In uu ku garab-galo.
Gudoomiyaha cusub ee dagmada kaxda oo maanta xafiiska la wareegay ayaa wada shaqeyn ka dalbaday bulshada dagmadaa ku dhaqan, waxaana uu balan qaaday wax kaqabashada tabashooyininka dadka degmadaasi ku nool.
Gudoomiye kuxigeenka siyaasada maamulka gobolka banaadir maxamed axmed diiriye oo madasha qubad ka jeeiyay isagoona ka hadlay xil wareejintaasi, ayaa waxaa uu kula dardaarmay maamulka cusub in ay muujiyaan dhiiranaan iyo kalsooni.
Dabayaaqadii sanadii hore ee 2015 ayaa C/ladiif xasan badawi waxaa loo magaaabay gudoomiyaha dagmada kaxda, waxaana uu maanta madasha uu ka sheega in wax badan uu ka qabtay dagmada mudii uu joogay, waxaana si nabad-galyo ah uu maanta xiliisa ugu wareejiyay gudoomiyaha cusub.