Ilo wareedyo ayaa Radio Dalsan, u xaqiijiyay maanta in shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe loosoo wareejin doono Magaaladda Mogadishu, si loo dhameystiro ka hor doorashadda Soomaaliya dabayaaqada Sanadkaan.
Sidoo kale, ilo xog-ogaal ah, ayaa noon xaqiijiyay in la doonayo in meesha looga saaro qeyb kamid ah tabashooyinka beelaha dega Gobolka Hiiraan, oo dhawaan sheegay in aysan tagi doono Magaalada Jowhar ee Xaruunta Gobolka Shabeellaha Dhexe oo ay horay utaalay gogoshay maamulka loogu sameynayo labada gobol.
Beelaha dega Hiiraan, ayaa ka biya diidsan in ay wax la qeybsadaan Shabeellaha dhexe, iyadoo taa bedelkeedana ay doonayaa in sameytaan maamul ka madax banana Jowhar.
Qodobadii kasoo baxay shirkii, Madasha dhawaan ayaa waxaa dowladda loogu baaqay in ay dedejiso dhimaha labadaasi gobolk ka ho doorashada.