War Goordhow soo gaaray Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegayaa in qarax Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM lagula eegtay Koontaroolka Siinka dheer ee duleedka Magaalada Muqdisho.
Qaraxaas ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa nooca miinada dhulka aaso,isla markaana Ciidamada AMISOM lagula eegtay xili ay socdaal ku marayeen halkaasi,waxaana kasoo baxaya warar kala duwan.
Goobjoogayaal ah la hadlay Dalsan ayaa waxa ay u sheegeen in qaraxa jugtiisa laga maqlay Xaafado ka tirsan Nawaaxiga uu qaraxa ka dhacay,waxaana intaas ka dib Ciidamada AMISOM ay fureen rasaas xoogan.
Weli si rasmi ah looma oga Khasaaaraha ka dhashay qaraxaas Caawa ka dhacay eegtay Koontaroolka Siinka dheer ee duleedka Magaalada Muqdisho,iyadoona halkaas baaritaano kala duwan ay ka wadaan Ciidamada dowladda Soomaaliya oo gaaray.