DEG DEG:-Musharax Madaxweyne Mustaf Dhuxulow oo la xiray

Wararka aan ka heleyno Magaalada Hargeysa ee Caasimadda maamulka Somaliland ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta halkaas uu gaaray Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Wariyeyaal ku sugan Hargeysa ayaa soo sheegaya in Xildhibaan Mustaf oo kamid ah Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya uu ka degay Garoonka diyaaradaha Cigaal International Airport ee Hargeysa.

Intaas kadib ayaa waxaa la sheegay in Ciidanka amniga Magaalada Hargeysa ay gacanta ku dhigeen, isla markaana xabsiga laga dhigay, kadib markii uu kasoo degay diyaarad uu la socday oo ka degtay Garoonka.

Ilaa iyo hada lama oga sababta uu u gaaray in Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow Magaalada Hargeysa, isla markaana waxaa la sheegay in lagu xiray xabsi ku yaalla halkaas, sida aan wararka helnay.

Sidoo kale weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo ku aadan safarka Musharax Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ku tegay Caasimadda Somaliland iyo xarigiisa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media