Wararka aan ka haleyno deegaanka Abal,ee gobolka Bakool ayaa waxa ay sheegayaan in Sheekh Muqtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur uu Gordhow isku soo dhiibay Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Muqtaar Rooboow ayaa Deegaano ku dhow dhow deegaanka Abal,ku sugnaa Maalmahan kadib dagaal uu la galay Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab oo weerar ku soo qaaday.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Muqtaar Roobow uu haatan ku sugan yahay deegaanka Abal,islamarkaana ay la joogaan masuuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa la filayaa in la keeno degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool halkaas oo uu kula kulmi doono Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Muqtaar Rooboow ayaa horay uga mid ahaa hoggaanka sare ee kooxda Shaabab balse markii dambe uu isaga tagey,isagoo ku sugnaa tan iyo Sanadii 2013,deegaanka Abal ee uu ku dhashay,waxana dhawaan liiska waxa loogu yeero Argagaxisada sheegay in ay ka saareen dowladda Mareykanka