Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxaa howlgal ay ka sameeyeen Xaafadaha degmadaas ay ku soo qabteen waxyaabaha maanka dooriya iyo dad ka Ganacsanayey.
Howlgalkan ayaa waxaa horkacayay Guddoomiyaha Maamulka Degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Taliyaasha Nabadsugida iyo Booliska Degmada Balcad.
Seddax Raga iyo Labo Dumar ah oo loogu tegay Guryahooda iyo goobo ay kaga Ganacsadaan Xashiishka ayaa lagu soo qabtay Howl-galka iyaga oo Gacanta kula jira diyaarintiisa Waxaa sidaasi yiray Guddoomiyaha Degmada Balcad Qaasim Cali Nuur(Qaasim Furdug).
Taliyaha Nabadsugida Degmada Balcad Muqtaar Cameey oo Howlgalka Qeyb ka ahaa ayaa uga digay Dadka ka ganacsada Waxyaabaha Maanka dooriya iyo isticmaala isagoona sheegay in Ciddii lagu Qabtaa Arinkaas ay Ciqaab ku muteysan doonto.
Waa markii ugu Horaysay oo Xashiish iyo Dadkii ka ganacsanayay laga soo qabto Gudaha Degmada Balcad tan iyo markii loo Magacaabay Qaasim Furdug guddoomiyaha degmada Balcad.