DEG DEG:-Maxkamadda ICJ oo Markale dib u dhigtay dhageysiga dacwada Badda ee Somalia iyo Kenya

Maxkamadda Cadaalada Aduunka ee ICJ ayaa markii labaad dib u dhigtay dhageysiga dacwada badda ee u dhaxeysa dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Maxkamadda ICJ ayaa  galabta go’aamisey in dhigeysiga dacwada badda ee u dhaxeysa Somalia iyo Kenya laga dhigo June 8- 12 ee Sanadka 2020-ka.

Sidoo kale Maxkamadda ICJ ayaa go’aankeeda ku cadeeysey inay fileyso in labada waddan u yimaadaan dhigeysiga Maxkmada. Go’aankaana u yahay mid kama dambeys ah ee mar dambe dib loo dhigi doonin.

Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Cali Saciid Fiqi oo war qoraal ah bogiisa Facebook kusoo qoray ayaa  shaaciyay in markii labaad dib loo dhigay Kiiska Badda ee Somalia iyo Kenya.

Go’aanka cusub ee dhageysiga dacwadda badda mar kale dib loogu dhigay ayaa yimid kadib markii ay Kenya mar labaad codsatay dib u dhigista.

Comments
Loading...