Wafdi ka socday Dowladda Somalia oo Shirweyne uga qeyb galay Magaalada Jidda

Magaalada Jidda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa waxaa xalay ka furmay shirka sanadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Islaamka (IsDB-2023) oo sanadkan lagu qabanayo dalkaas Sacuudiga.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cilmi Maxamuud Nuur iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeyb galay furitaanka shirka Bangiga Horumarinta Islaamka.

Wasiir Cilmi Maxamuud oo Qoraal kusoo qortay bartiisa gaarka ah ayaa waxa uu ku sheegay inuu kulamo kulamo gaar & guud ahba la qaatay madax kala duwan oo shirka ka soo qeyb gashay.

Wasiirka ayaa tilmaamay in mas’uuliyiinta uu la socday uu kala hadlay horumarinta hannanka dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya, isagoona xusay in kulamada ka dhacay Magaalada Jidda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay ahaayeen kuwo muhuiim ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor