Kooxo hubeysan ayaa Caawa waxa ay Xaafad ka tirsan degmada Dharkenley ee Gobolkan Banaadir ku dileyn laba Wiil oo la sheegay in ay ahaayeen Walaalo.
Dilka ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhaxeysa Ex-koontorool Afgooye iyo Xaafada xoosh meel u dhow Xerada dadka soo baxarakacay ay degan yihiin ee badbaado.
Dad ku sugan Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in labada Wiil mid ka mid ah uu ka mid ahaa Askarta ciidamada Dowladda,kuwaas oo lagu kala Magaabi jiray Saneey iyo Xuseen Faarax.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay,waxaan weli meesha yaalla Meydka labada Wiil ee walaala ah oo Caawa la dilay.
Faah faahinta Warkaan kala socda Radiodalsan.com