Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa Goordhow gudaha Degmada Warta-Nabada ee Gobolka Banaadir waxa ay ku dileen Guddoomiye Waaxeed ka tirsanaa Degmadaasi.
Dad ku sugan degmada Warta-Nabada ayaa Dalsan waxa ay u sheegeen in rag hubeysan ay toogteen Guddoomiye Waaxeedka ka tirsanaa Degmada Warta-Nabada,kaasi oo xiliga uu dilka dhacayay ku sugnaa xaafad ka tirsan degmadaasi.
Guddoomiye Waaxeedka la dilay ayaa waxa uu Guddoomiye ka ahaa Laanta Saddexaad ee Degmada Warta-Nabada,waxaana magaciisa lagu soo gaabiyay Abuukey.
Ragii ka dambeeyay dalka Guddoomiye Waaxeedka ayaa waxaa la sheegay in ay durbo goobta ay ka baxsadeen.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa goobta uu falka ka dhacay gaaray,iyagoo halkaasi ka qaaday Meydka.
Sidoo kale waxaa la sheegay in Ciidamada goobta ay ka wadaa baaritaano ku aadan sida uu falka uu dhacay.
Ilaa iyo hada ma jiro wax war oo kasoo baxay maamulka Degmada Warta-Nabada ee Gobolka Banaadir oo ku aadan Guddoomiye Waaxeedka ka tirsanaa Degmadaasi ee Caawa la dilay.