Muwaadiniinta Imaaraadka oo looga digay inay u socdaalaan Somalia iyo dalal kale.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa uga digtay Muwaadiniintooda (UAE Citizens) inay safar ku tegin 10 Waddan oo ka tirsan Dalalka Caalamka.

Wargeyska Almasdar Sabca ee ka soo baxa magaalladda Dubai ayaa qoray in sababo dhinaca Ammaanka looga mamnuucay Dadka Imaaraadka inay booqasho iyo Tamashlayn ku tagaan dalalka kala ah: Somalia, Yemen, South Sudan, Afghanistan, Somalia , Ukraine, Syria, Nigeria, Iraq, Libya iyo dalka Pakistan, gaar ahaan magaalladda Karachi.

uae

Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee dalka Imaaraadka Carabta waxaa lagu qeexay inay mamnuucistaasi u sabab tahay Xaalladda Ammaanka ee ka jira dalalkaasi.

Ma aha markii ugu horreysay oo ay Dowladda Imaaraadka  uga digaan Muwaadiniintooda  inay  socdaal ku tagaan Tobanka Waddan ee haatan la cayimay, waxayna horey u soo saareen digniino sannadihii 2012-kii, 2013-kii iyo 2014-kii.

Websaytka Wasaaradda Arrimaha Dibedda  ee dalka Imaaraadka Carabta ee www.mofa.gov.ae  ayaa lagu daabacay Faahfaahinta Digniintaas.

Dhinaca  kale, Dowladda  Imaaraadka Carabta waxay cusbooneysiisay Digniinta dhinaca Safarka ee ay dadkooda looga mamnuucay inay ku tagaan dalka Lubnaan sababo dhinaca Ammaanka.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media