DEG DEG:- Fanaanada Khadiijo Cabdullaahi Daleys oo geeriyootay

Waxaa dalka Kanada ku geeriyootay Allaha u Naxariistee Fanaanadii Khadiijo Cabdullahi Daleys oo ka mid aheyd Fanaaniinta Soomaaliyeed ee Sanadihii u dambeeyay ku sugnaa dalka Dibadiisa.

Fanaanada ayaa ku xanuunsaneysay dalka Kanada taas oo ugu dambeyn ay ku geeriyootay sida ay xaqiijiyeen eheladeeda

Fanaanada ayaa Allaha u naxariistee waxa ay ka mid aheyd fanaaniinta ugu facaweyn fanka Soomaaliya iyada oo lagu xasuusto ka qeyb qaadashada Riwaayado farabadan iyo heeso ay qaado sida heesta

Muruqiina maalo

dhulka miro ku beera

Macdanta, dahabka

Muujiya wanaagaay.

Fanaaniinta Somaliyed ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Khadiija Daleys oo haldoorka Fanka Somaliyed ka mid aheyd.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media