Kooxo hubeysan ayaa Goordhow Isgoyska Siinaay ee Magalada Muqdisho waxa ay ku dileen Askari la sheegay in uu ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Dad ku sugan Agagaarka Isgoyska Siinaay ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in rag ku hubeysnaa bustoolado ay dileen Askari ka mid ahaa Ciidamada kuwa Canshuurta qaada ee minashiibiyada loo yaqaano,isla amarkaana ay goobta ka baxsadeen.
Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in raggii dilka geystay ay horay u sii qaateen Qorigii uu watay Askariga ay dileen oo Magaciisa lagu sheegay Sakariye Daahir.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa goobta gaaray,kuwaas oo haatan howlgal baaritaano ah kawada,sida ay sheegeen dad ku Ganacsada Siinaay.