Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Danjire Micheal Keating ayaa ku wajahan Magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.
Mr Keating ayaa Garowe kula kulmaya Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
Qaban qaabo lagu soo dhaweynaayo Keating ayaa ka socota magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.
Micheal Keating ayaa Madaxweyne Gaas kala hadli doono colaada ka taagan deegaanka Tukaraq oo u dhaxeeyso Puntland iyo Soomaaliland.
Qaramada Midoobay ayaa xalineeysa xiisadaha ka soo cusboonaaday Magaalada Tukaraq.