Darawalka Mooto Bajaajka ayaa waxaa goordhow lagu dilay Agagaarka Xarunta degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir,waxana la sheegay in uu dilka ka dambeeyey Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda.
Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in dilka ka hor Askariga oo ka tirsan ciidamada Minaashiibiyada iyo Darawalka mooto Bajaajta ay wada murmeen taas oo keentay in askarigii uu rasaas ku furo Darawalka,waxana dhaawac soo gaaray uu ugu geeriyooday mid ka mid ah isbitaalada Muqdisho.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa goobta soo gaarey,kuwaas oo baadi goob u galay askarigii falkaasi ka dambeeyey walow uu durba goobta ka baxsaday.
Maamulka degmada Waaberi weli kama hadlin dhacdadaas Askari ka tirsan Ciidamada Minashiibiyada ah uu ku dilay darawalka mooto Bajaajta.
Wixii ku soo kordha kala socda Radiodalsan.com.