Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo warramaa in goordhweyd Qarax la gula eegtay inta u dhaxaysa Dhuusamareeb iyo Guriceel, waxaana kasoo baxaya warar kaal duwan oo qaraxaas ku aaddan.
Wararku waxaa ay sheegyaan in qaraxu uu ahaa Miino dhulka lagu aasay oo Ciidanka lala beegsaday, waxaana Ciidanku ay ku socdaalayeen inta u dhaxaysa Caasimadda Maamul Goboleedka Galmudug iyo Magaalada Guriceel.
Goob joogayaal ayaa sheegay in Qaraxa jugtiisa ay maqleen, iyadoo aysan jirin cid Xaqiijin karta khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaasi, waxaana lasoo sheegayaa in qaraxu uu ahaa mid xooggan ayna macquul tahay in khasaare uu ka dhashay.
Qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay degaanka lagu magacaabo Birta dheer oo u dhexeeya Dhuusamareeb iyo Magaalada Guriceel.
Saraakiisha Ciidanka Hoggaaminaysay wali wax war ah kama soo saarin qaraxaas, sidoo kale ma jiro cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, balse qaraxyada noocaan ah ayaa waxaa looga bartay dagaalamayaasha Al-shabaab.