Sawirro:-Buuhoodle oo laga hir-geliyay xafiiska xuduudeedka socdaalka

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo kaashaneysa maamulka iyo odoyaasha dhaqanka degmada Buuhoodle ayaa dib u howlgelisey xafiiska socdaalka bar-xuduudeedka Buuhoodle.

Munaasabadda lagu daahfurey xaafiiska ayaa waxaa ka qaybgalay xubno ka socdey qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka, maamulka degmada iyo ciidamada amniga, wuxuuna dhinac walba balan qaadey gudashada waajibka kaga aadan howlaha xaafiiska.

Daahfurka xaafiiskaan ayaa micnihiisu yahey in Soomaaliya dhinaceeda ay diyaar u tahey ilaalinta amniga, sharciga iyo hababka socdaalka gobolka iyo guud ahaan kan caalamka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor