In ka badan 140  muhaajirin ah oo ku dhintay biyaha badda  Senegal

Ugu yaraan 140 muhaajiriin ah oo ku sii jeeday Yurub ayaa ku dhintay xeebta Senegal,ka dib markii Dooni ay la socdeen oo sidday laba boqol oo ruux uu dab qabsaday,isla markaana qallibantay,sida maalinimadii Khamiiista ee shalay laga soo xigtay Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka  IOM .

Doontaan oo ka ambabaxday magaalada Mbour oo 100-km  koonfur ka xigta magaalada caasimada ah ee Dakar,ayaa warku intaa ku daray in ay ka badbaadeen 60-ruux, ka dib kolkii ay shilkaasi ku baxeen ciidamada badda ee Senegal ,kuwo ka socday Isbaanishka iyo kaluumeysato.

Dowladda Senegal iyo Ururka IOM ayaa gaaray magaalada Saint-Louis,kuwaas oo gargaar degdeg ah u fidiyay,isla markaana qiimeeyay   baahiyaha dadkii ka badbaaday Doontaasi .

Tirada dadka ka ambabaxaya Galbeedka Afrika ee tagaya jasiiradaha Canary,ayaa kordhay ,iyadoo shilkaan uu noqonayo kii ugu waxyeelada badnaa ee la diiwaan geliyo sannadkaan, sida ay sheegtay IOM.

Qiyaastii illaa 414 qof ayaa la ogyahay inay sannadka  ku dhinteen xeebaha kulaala Dalka Senegaal.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media