DEG DEG:-Askar Goordhow lagu dilay Magalada Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa Goordhow waxa ay Xaafada Black-Sea ee degmaa Hodan ku dileen Askar ka tirsaneyd Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Dad ku sugan Xaafada Black-Sea ayaa u sheegay Dalsan in rag ku hubeysnaa Bustoolado ay toogteen laba askari oo ka tirsanaa Ciidamada Millateriga,kadibna ay baxsadeen.

Wararka qaar aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in Raggii dilka geystay ay horay u sii qaateen laba qoray oo AK47 ah oo ay wateen labada askari.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa goordhow tegay goobta dilka uu ka dhacay,waxana haatan ay wadaan howlgallo baaritaano ah.

Waraka kusoo kordha kala socda Radiodalsan.com

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor