Agaasimaha Guud ee Radio Daljir oo isku day dil ka badbaaday

Axmed Sheekh Maxamed Tallman ayaa la sheegay in Maanta uu isku-day dil ka badbaaday kadib markii Askari ka tirsan Ciidamada Booliska Puntland uu rasaas ku furay Agaasimaha.

Sida lagu qoray Wabsite-ka Radio Daljir ayaa askariga xilliga uu Agaasimaha rasaaseynayay ku dhawaaqayay erayo ay ka mid yihiin”Maxaa Asad Diyaano idiin geeyay,waxana Asad Diyaano u xillgaan ka mid yahay musharixiinta Madaxweynaha Puntland.

Agasimaha Guud ee Radio Daljira Axmed Sheekh Maxamed Tallman ayaa xilliga la rasaaseeynayay waxa uu ka so baxay Xarunta Radio Daljir ee Magalada Boosaaso,waxana uu sheegay in askariga uu rasaas ku soo riday,hayeeshee uu Alle ka badbaadiyay.

“Marka aamusiintu gaarto in la jaro ama halis la geliyo nafta qofka loona ordayo kursiga ugu sareeya dalka maxaa dadka u danbayn doona,ayuu yiri Agaasimaha Radio Daljir.

Deegaanada Puntland ayaa waxa ay ka mid tahay deegaanada lagu dhibaateeyo wariyeyaasha,waxaana horay loogu dilay laguna xiray wariyeyaal farabadan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor