War soo gaaray Warqabadka Radio Dalsan Xarunta Muqdisho ayaa Waxa uu sheegaya in goordhow dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay la wareegeen deegaanka leego ee Gobolka Shabeellha Hoose.
Ciidamada Amisom iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaliya ayaa xalay ilaa saakay halkaasi isaga baxayay iyaga oo u ruqaansaday dhankaa iyo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Wararkii ugu dambeeyay ee haatan aan halkaasi ka heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay gudaha u galeen deegaankaas sida uu radio Dalsan u xaqiijiyay gudoomiye Abuukar Cabdullaahi Isxaaq Al-Cadaala.
Dhanka kale waxa uu sheegay in saacadaha soo socda ay deegaanka leego ay ku soo wajaahn yihiin ciidamada dowladda Itoobiya oo qeybta ka ah howlgalka Amisom,iyo ciidamda dowladda Soomaaliya,si ay ula wareegaan.
Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com