Wararka aan ka heleyno Magaalooyin badan oo ku yaalla Gobolada Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta halkaasi aan laga Iidin oo ay u tahay Maalin Soon.
Magaalooyinka aan laga iidin ayaa waxaa kamid ah Dhuusamareeb iyo inta badan deegaanada hoostaga,isla markaana dadka halkaasi kunool ay Maanta u tahay 29-ka Bisha Barakeysan ee Ramadaan.
Mas’uul ka tirsan maamulka Ahlusunna oo la hadlay Radio Dalsan ayaa u sheegay in Maanta aysan aheyd Maalinta koowaad ee Ciidul firtiga oo ay kow u noqon doonto Maanta berri ah.
Sidoo kale degmooyin ku yaalla Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa iyana laga Iidin,waxaana kamid ah Degmooyinkaas Warsheekh iyo Cadale oo dadka deegaanka ay inoo xaqiijiyeen in la sooman yahay
Inta badan Dunida Muslimka ayaa Maanta waxaa looga dabaaldagayaa Munaasabadda Ciidul fitriga,kadib markii xalay Wasaaradda Awqaafra iyo arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya ay shaacisay in la arkay Bisha Shawaal ayna Maanta tahay 1-da Bisha Shawaal,taasi oo bilashadeeda laga arkay goobo badan oo ku yaalla Dalka Soomaaliya iyo Dalka Sacuudiga.