Dhageyso:-Madaxweyne Farmaajo oo shacabka u diray Hambalyo Baaqna u jeediyay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidul Fitriga.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu Alle ka baryay inuu naga Aqbalo Soonkii iyo Acmaashii wanaagsaneyd ee Ummada Muslimiinta ay guteen gaar ahaan intii lagu guda jiray Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inat garab istaagaan dadka tabaaleysan,isla markaana laga wada shaqeeyo dantaguud oo ugu horreyo amniga.

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale ku guubaabiyey Ummadda Soomaliyeed inay gacmaha isqabsadan,isla markaana laga wada shaqeyo sidii loo rumeyn lahaa himilada iyo hiigsiga dowladda Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media