Danjire Maxamed Cali Ameriko oo ka mid ahaa Murshixiinta u tartantay Xilka Madaxweynaha waxa uu Hoygiisa ku casuumay xubno ka tirsan Murashixiintii isku soo taagtay Doorashadda Madaxtinimadda ee bishan 8-dii lagu kala baxay.
Casuumaadaasi ayaa waxaa ka soo qeyb galay Siyaasiyiin ay ka mid yihiin Saciid C/llaahi Dani, C/llaahi Xeri Ciil-mooge iyo Canab Daahir.
Kulankaasi oo ay Siyaasiyiinta ku wada quraacdeen ayaa waxay kaga munaaqashoodeen Xaalladda Dalka, gaar ahaan Arrimaha Siyaasadda iyo Macluusha ba’an ee ka jirta qeybo ka mid ah dalkeenna.
Qaabilaadaasi ayaa waxay ku dhacday si habsami ah, waana Kulankii ugu horreeyey ee Murashixiinta isugu yimaadaan tan iyo wixii ka dambeeyey Doorashaddii Madaxtinimadda ee Somalia.
Dhinaca kale, Inta badan Siyaasiyiinta dalka oo badankooda Qurbo-joog ah ma jecla inay ku cunteeyaan Raashinka Waddaniga ee laga farsameeyo Dalag ka soo go’a Beeraheenna.
Halkan ka daawo Sawiradda:
©Radio Dalssn