Dagaalo lagu laayay Ciidamo farabadan oo ka dhacay Afganistan

Ciiddanka Dowladda Afganistan ayaa sheegtay inay 385 Dagaalamayaal ka tirsan Ururka Daalibaan la dilay, 220 kalena la dhaawacay 24-kii saacadood ee la soo dhaafay.

Qoraal uu Twitter-kiisa soo dhigay Afhayeenka Wasaaradda Difaaca ee dalkaasi, Fawad Aman ayuu ku sheegay in Dagaalamayaashaaasi lagu dilay iska-horimaadyo ka dhacay Goballadda Wardak, Takhar, Heraat, Farax, Jowzajan, Smangan, Helmand, Baqlan iyo Kapisa.

Dhinaca kale, Kooxda Daalibaan waxay soo bandhigeen Gaadiid iyo hub ay shalay ku qabsadeen dagaal ka dhacay Caasimadda Gobalka Nimruuz ee Zaranji.

Muuqaalo la soo dhigay Baraha Bulshada ayaa lagu arkayey Dagaalamayaasha oo la wareegay magaalladaasi iyagoo la wareegay Gaadiidka HUMVEES iyo Hub kala duwan oo lagu farsameeyey Maraykanka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor