Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta ee Unicef ayaa sheegtay in dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo uu degdeg ugu baaha yahay gargaar caafimaad, waa haddii la doonayo in la badbaadiyo mustaqbalka dhallaanka waddankaasi.
Dalkaasi baaxadda weyn, isla markaana ay colaadda ragaadisay ayaa la tacaalaya shan xanuun oo dilaa ah, kuwaasoo kala ah: Malaariyo, Jadeeco, Shuban-biyood, Fayraska Corona iyo Ebola.
Sanadkii la soo dhaafay, 16.5 milyan oo kiis oo malaariya ah ayaa laga diiwaangeliyay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo. Waxaa sidoo kale ka dilaacay jadeecadii ugu darneyd taariikhda waddankaasi taasoo dishay kumannaan ah caruurta da’doodu ka yartahay shan jirka.
Shuban-biyood dalkaasi ka dilaacay ayaa la sheegay in sanadkii tegay uu ku dhacay dad ka badan 30,000 oo qof.