Dagaal socday muddo ku dhow saacad ayaa waxaa uu deegaan kaabiga ku haya xuduurka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya ee dhanka Jubbada Hoose ku dhexmaray Ciidamo ka tirsanm kuwa maamulka Jubbaland iyo Al-shabaab.
Dagaalkaas ayaa waxaa la sheegay inuu yimid kadib markii Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamo ka tirsan Jubbaland ay ku leeyihiin deegaan lagu magacaabo Dag-caday oo hoostaga Degmada Dhoobleey.
Dadka deegaanka ayaa soo weriyay inay maqlayeen Jugta rasaas xoogan oo ay isdhaafsaneeyeen Ciidanka Jubbaland iyo Al-shabaab, In kastoo aysan cadeyn karin Khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.
Qoraal lagu faafiyay baraha Internet-ka ay ku leeyihiin Al-shabaab ayaa waxaa ku sheegteen inay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Dag-caday oo ay Saldhig ku lahaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubbaland.
Sidoo kale Al-shababa ayaa sheegtay in dagaalka ay ku qabsadeen gaari nooca dagaalka ah, isla markaana ay Goob fagaare ah oo ku taalla deegaankaas ay kula hadleen dadka deegaanka.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka maamulka Jubbaland oo ay uga hadlayaan dagaalka looga qabsaday Saldhig ay Ciidankooda ku lahaayeen deegaanka Dag-caday oo hootsaga Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.