Weli waxaa isa-soo taraya khasaaraha ka dhashay weerarkii qaraxyada ku bilaawday ee lagu qaaday Xarun uu Koonfurta Gaalkacyo ku leeyahay Wadaad lagu Magacaabo Sheekh Cabduweli Cilmi Yare.
Warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in Sheekh Cabduweli Cilmi Yare iyo qaar ka mid ah Dhalinyarada ka mid aheyd xertiisa ay weerarkaas iyo qaraxyada ay ku geeriyoodeen.
Ku dhowaad 20 ruux ayaa lagu soo waramayaa in qaraxyadaas iyo weerarkaas ay ku geeriyoodeen,waxaana mas’uuliyadda sheegtay Al-Shabaab.
Wararki u dambeeyay ee haatan nasoo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in weli dagaal culus uu ka socdo gudaha Xarunta kaas oo u dhaxeeya Ciidamada Galmudug iyo raggii hubeysnaa ee galay Xarunta.