Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxyo iyo weerar toos ah oo lagu qaaday Xarun Sheekh lagu Magacaabo Cabduweli Sheekh Cilmi Yare uu ku leeyahay Koonfurta Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
Qarax labaad ayaa lagu soo waramayaa in laga maqlay Gudaha Xarunta sidoo kale ay ka dhaceyso rasaas xooggan,waxaana jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo weerarkaas ka dhashay.
Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee DANAB ayaa tegay Goobta,kuwaas oo ku guda jira sidii ay u badbaadin lahaayeen dadka ku jira Gudaha Xarunta la weeraray.
Dadka ku nool Koonfurta Magalada Gaalkacyo ayaa saakay ku waabariistay qaraxyo iyo weerar toos ah,iyada oo weli xarunta ay rasaas ka dhaceyso.
Warar aan weli sirasmia ah loo xaqiijin ayaa waxa ay sheegayaan in Sheekh cabduweli ee Xerta Xarunta ku heystay uu geeriyooday,sidoo kalena dad ka badan Tobaneeyo Ruux oo kale ay geeriyoodeen.