Wararka aan ka heleyno Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi deegaano ka tirsan xalay uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhexeeyay Kooxda la magac baxday Macawiisleyda iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.
Waxaa la sheegay in uu dagaalkan uu yimid kadib markii Kooxda Is uruursatay ee Macawiisleyda weerar xoogan ay ku qaaadeen Fariisimo Al-shabaab ay ku leeyihiin deegaan hoostaga degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha dhexe.
Dadka deegaanka oo la hadlay Dalsan ayaa waxaa ay u sheegeen in Macawiisleyda ay weerareen xalay saqdii dhexe deegaanka Masaajid Cali Gaduud,halkaasi oo ku sugan Al-shabaab,waxaana intaasi kadib labada dhinac dhexmaray dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa lagu soo waramayaa in uu ka dhashay dagaalkaas,inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn inta uu la egyahay.
Dhowr jeer oo horey ayaa sidaan oo kale dagaalamayaasha Al-shabaab iyo Macawiisleyda uu dagaal xoogan ku dhexmaray deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.