Shiikh Indhoole Masaari ah oo ku geeriyooday Xabsi ku yaalla Maraykanka.

Sheikh Cumar C/raxmaan oo 79 jir ayaa ku geeriyooday Xabsiga North Carolina, isagoo ku xukunaa Xabsi Daa’im.

Marxuumka ayaa waxa uu u xirnaa Qarixii bishii February 26-dii ee sannadkii 1993-kii ka dhacay Xarunta Gancsiga Adduunka, oo ay ku geeriyoodeen 6 qof, kuna dhaawacmeen in ka badan 1,000 qof.

Hadal ka soo baxay Maamulka Xabsiyadda Maraykanka ayaa lagu sheegay inuu Sheekh Cumar C/raxmaan si caadi ah ugu geeriyooday Xarunta dhexe ee Caafimaadka ee Butner.

Marxuumka ayaa la sheegay inuu qabay xanuun dhinaca Halbowlaha Wadnaha.

Dhinaca kale, Qoyskiisa oo ku sugan Masar ayaa sheegay inay Wakiilladda Maraykanka u xaqiijiyeen geeridiisa, sida laga xigtay mid ka mid ah Wiilashiisa oo lagu magacaabo Camaar.

Sidoo kale, Wiil kale oo uu dhalay Marxuumka geeriyooday oo lagu magacaabo C/llaahi Sheekh Cumar oo ku sugan Turkiga ayaa u sheegay Telefishinka Aljazeera ayaa sheegay inuu la yaabanaa xariga aabihiisa, wuxuuna xusay in Aabihiisa si tartiib ah loo dilay, waa sida uu hadalka u dhigay.

    

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media