Dagaalkaan ayaa waxa uu ka dhacay Xaafada Kaawa Godeey ee degmada Dharkenley gaar ahaan agagaarka xerada Tababarka (Dhagabadan) Ex Jaziira,waxana la sheegay in uu u dhaxeeyey Ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya kuwaas oo u abaabulan hab beeleed.
Dadka deegaanka ayaa waxa ay  Dalsan u xaqiijiyeen in halkaasi ay ku dagaalameen ciidamadaas oo ka tirsan Milateriga Soomaaliya,kuwaas oo isku iskuheysta Dhul ku yaalla halka loo yaqaano xeradii hore ee rajo oo ku dhow Xerada Tababarka Jaziira qeybta degmada Dharkenley.
Hal ruux ayaa la xaqiijiyey in dagaalkaas uu ku geeriyooday halka 2 kale ay ku dhaawacmeen kuwaas oo dhammaantood ah ciidamadii dagaalamay.
Maamulka degamda Dharkenley ayaan la xiriirnay si aan wax uga weeydiino dagaalkaas balse kama jawaabin taleefoonadeena.
Wixii ku soo kordha kala socda radidoalsan.com