Laba Dhalinyaro ah oo koronto ku dishay Muqdisho

Laba ka mid ah dhalinyarada ku nool degmada Wartabanada ee Gobolkan Banaadir ayaa la sheegay in ay koronto ku dishay meel u dhow Xarunta degmadaas.

Dadka deegaanka aaya inoo sheegay in labadasi dhalinyaarda ah ay cuksadeen Baallaha Korontada,kadibna ay qabatay,isla markaana mid ka mid ah uu isla goobta ku geeriyooday halka mid ka kale goobta lag qaaday balse markii dambe uu geeriyooday.

Wiilashan oo da’dooda lagu qiyaasayo 16 illaa 15 ayaa wararka waxa ay sheegayaan mid inuu u socday goobtiisa shaqada oo ku taallo Suuqa Bakaaraha, halka ruuxa kalena uu u socday goob Jimicsi.

Dadka deegaanka ayaa u soo gurmaday dhalinyaradan, balse waa ay suuragelin waayeen inay badbaadiyaan, maadaama qofkii u dhawaada halis uu u galaayay inay Korontada qabato.

Mararka qaar ayaa degmooyinka gobolkan banaadir ay ka dhacaan dhacdooyinka noocan oo kale ah,waxaana inta badan korontada ay dhibaatada ugu daran u geystaa Guryaha qaar kadib markii ay ka akcdo korontada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media