Dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa uu ka dhacay duleedka Degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo.
Dagaalka ayaa ka bilowday, kadib markii Ciidanka dowladda ay weerar qorsheysan ku qaadeen deegaanada Caano-qubow iyo qaniyaale oo ku yaalla duleedka Balad-xaawo, halkaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen Al-shabaab, uuna ka dhacay dagaal xoogan.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac ayaa ka dhashay dagaalkaas oo socday saacado dhowr ah, waxaana faah faahin ka bixiyay saraakiisha hoggaamineysay Ciidanka dowladda.
Taliyaha Ciidanka Nabadasugida Degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo Cabdullaahi Xuseen Ibraahim oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerar qorsheysan ay ku qaadeen Al-shabaab, isla markaana ay dagaalka uga dileen 6 dagaalame, halka 4 kalena ay ka dhaawaceen, iyadoo dhankoodana uu jira khasaaro gaaray.
Sidoo kale Taliye Cabduqaadir Xuseen ayaa tilmaamay in dagaalka inta uu socday Ciidanka dowladda ay shabaab uga qabsadeen gaari nooca raaxada ah iyo xoolo Ari ah oo ay ku sheegeen in shacabka Gobolka Gedo si xoog ah looga qaaday, waa sida hadalka loo dhigay.
Ciidanka Dowladda Federaalka iyo Al-shabaab ayaa dhowr jeer waxaa ay dagaalo geystay Khasaarooyin kala duwan ku dhex-mareen deegaano ka tirsan Gobolada dalka, iyadoo labada dhinacna ay guulo ka kala sheegteen dagaalada.