Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya gaar ahaan Xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo itoobiya ayaa waxa ay ku waramayaan in halkaasi uu ka socdo dagaal xoogan.
Dagaalkaasi ayaa waxa uu u dhexeeyaa dad xoolo dhaqto ah,waxaana la  isku adeegsanayan hubka noocyadiisa kala duwan.
Dad deegaanka ayaa sheegaya in dagaalka uu yahay mid culus,waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho dhaawac oo soo kala gaaray labad dhianac ee dagaalamaya.
Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha ka dhashay dagaalkaas ka socda Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya gaar ahaan Xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo itoobiya.
Wararka kusoo kordha kala socda Radiodalsan.com