Wararka aan ka heleyno Deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Ciidamada Jubbaland ay ka wadaan maalintii howlgal ka dhan Al-shabaab.
Deegaanada howlgalka Ciidanada ay ka wadan ayaa waxaa kamid ah Araare, Muuse Xaaji, Bangeeni iyo deegaan lagu magacaabo Koban, kaasi oo la sheegay in Al-shabaab fariisin u aheyd,waxaana horey ugala wareegay Ciidamada Jubbaland.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Jubbaland ayaa waxa ay sheegeen intii howlgalka socday Al-shabaab ay ka dileen laba dagaalame,iyagoo tilmaamay in iska hor imaad yar ay kala kulmeen Al-shabaab.
Sidoo kale waxaa la sheegay in Degmada Jammaame ee Gobolka Jubbada Hoose oo u dhow deegaanada howlgalka uu ka socda Al-shabaab ay ku sugan yihiin,waxaana hawada sare ee deeganadaasi lagu arkayaan Diyaaraddo dagaal oo dul-heehaabaya.