Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya seddex qof oo shacab ah oo lagu dilay degaanka Jidbaale ee Gobalka Sool, waxaana la sheegay dadkaasi in loo dilay aanooyin qabiil.
Waxaa la sheegay in qoys reer guuraa ah ay weerareen malleyshiyo beeleed hubaysan kuwaas oo dilay seddex ruux.
Dadka la dilay ayaa la sheegay in ay degi rabeen aagga jidbaale, balse waxaa weerar ku qaaday Malleyshiyo hubeysan.
Aanooyinka qabiil ayaa kusoo noqnoqday degaanada Gobolka Sool, waxaana degaanada dhawaan dagal beeleedyadu ka dheceen ka mid ah Adhi-caddeeye.