Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamrd (Filish) ayaa kulan la qaatay qeybta maamulka iyo Maaliyadda gobolka Banaadir.
Kulanka ayaa inta uu socday waxaa warbixinno kala duwan looga dhegeystay agaasimeyaasha dakhliyada kala duwan oo soo bandhigay qorshaha u dagsan sanadkaan 2020.
Guddoomiye Cumar Finish ayaa xusay dar-dargelinta howlaha dakhliyadu in door muhiim ah ay ka qaadanayaan horumar walba oo la qorshaynayo in la sameeyo sanadkan 2020, Si loo xaqiijiyo arrimahanna ay ka dhigan tahay in si joogta ah loo shaqeeyo 24 saacadood iyo toddobada maalmood.
Kulankani waxaan goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir, guddoomiye ku-xigeenka Howlaha Guud maamulka gobolka Banaadir iyo agaasimayaasha waaxaha daqliga ee dowlada hoose Xamar.
Duqa magaalada Muqdisho Cumar Filish ayaa faray mas’uuliyiinta kulankani kasoo qeyb gashay in ay xoojiyaan kordhinta daqliga iyada oo laga fogaanayo wax kaste oo musuq maasuq la xariira.