Dagaal culus oo ka socda gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya

Dagaal culus ayaa lagasoo sheegayaa gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya wararkii ugu dambeyay ee halkaa naga soo gaarayana waxaa ay sheegayaan in dagaalkii ka qarxay gobolka Tigray bishii Nuveember uu ku sii fidayo gobalka Amxaarada.

Ciidamada federaalka iyo sidoo kale ciidamada gobolka Amxaarada ayaa ku lug lahaa la dagaalanka fallaagada Tigreega ee TPLF, sida uu BBC-da u sheegay sarkaal ka soo jeeda deegaanka Amxaarada.

Wararka ku saabsan dagaallada sii xoogaysanaya ayaa imaanaya iyadoo dowladdu ay ku dhawaaqday xabbad-joojin hal dhinac ah bishii hore hase yeeshee aan dhag jalaq loo siinin.Dhammaan dhinacyada ayaa midba midka kale ku eedeeyay inuu sii hurinayo colaadda.

Xiisadda ayaa sii xoogeysatay tan iyo markii xoogaga TPLF ay dib uqabsadeen inta badan deegaanno ka tirsan gobalka Tigray kadib duullaankii ciidanka dowladdu ku qaadeen bishii Juun.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor