Dowladda Kenya ayaa shaacisay inay diiwaan-gelisay kiisas Cusub oo ah Cudurka halista ah ee Coronavirus oo saameyn ballaaran ku yeeshay Caalamka oo dhan.
Wasaaradda Caafimaadka Kenya ayaa sheegtay in saacadihii lasoo dhaafay Cudurka COVID-19 laga helay 25 Ruux, kadib baaritaano kala duwan oo lagu sameeyay lagu ogaaday inay Cudurka qabaan.
Dadka laga helay Cudurka oo isugu jira 23 ruux oo rag iyo 3 Haween ayaa waxaa ay ku sugan yihiin deegaano ka tirsan Kenya, kuwaasi oo si deg deg ah loo geliyay xaalad karantiil ah.
Xoghayaha Maamulka Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Kenya Rashiid Amaan oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in 25-ka qof ee laga helay COVID-19 ay ku jiraan laba ruux oo Soomaali ah, halka inta kalena ay yihiin Kenyaati.
Isaga oo sii hadlaayay Xoghayaha ayuu tilmaamay in labada qof ee Soomaalida ah ka yimideen dhaka Xerooyinka Qaxootiga Dhahaab ee Ifo iyo Dhagaxley ee ku yaalla Magaalada Gaarisa.
Si kastaba Tirada dadka laga helay Cudurka halista ah ee Coronavirus ee dalka Kenya ayaa gaareysa 44,851 qof, halka ay Cudurka u geeriyoodeen in ka badan 50 qof, waxaana ka bogsatay 336 qof.