Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal Khasaaro geystay oo saaka ka dhacay duleedka Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, kaas oo u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed.
Dagaalkaas ayaa waxaa sigaar ah uga dhacay
Taaroge oo ka tirsan Gobolka Mudug, waxaana maleeshiyaadka la dagaalmay ay kasoo kala jeedan maamulka Galmudug iyo Puntland, iyadoo dagaalka uu socday saacado dhowr ah.
Ugu yaraan laba ruux ayaa ku geeriyooday dagaaalka, halka 5 qof kalena dhaawac uu soo gaaray, kuwaasi oo dhamaantood la sheegay inay yihiin labada dhinac ee dagaalamay.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in dagaalka uu yahay mid soo noq noqday, isla markaana salka ku haaya Dhul daaqsimeed iyo Aanoyin qabiil oo weli xal aan xal laga gaari, iyadoo dhowr jeer la sameeyay dadaadlo nabadeed.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulada Puntland iyo Galmudug oo ay uga hadlayaan dagaalkii saakay kasoo cusboonaaday deegaanka Taaroge ee ku yaalla duleedka Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.