Wararka ka aan ka helayno Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidamo ka tirsan maamulka Puntland ay dad shacab ah ku rasaaeeyeen halkaas, waxaana ka dhashay khasaare soo gaaray dadka.
Ugu yaraan seddex qof ayaa ku dhawaacmay kadib markii ciidamo ka tirsan maamulka Puntand ay rasaas ku fureen dad ka cabanayay lacag canshuur ah oo ay sheegeen in wasaardda ganacsiga maamulka Puntland ay waydiisatay, taasi oo la sheegay in ay bulshada ku nool Garoowe ay ka xumaadeen.
Goobjoogayaal ayaa ku warramay in dadkii dhaawacmay goobaha caafimaadkan loola cararay, waxaana la kala eryay dadkii shacabka ahaa ee cabashadooda kusoo bandhigay gudaha magaalada garoowe.
Dhanka kale wasaaradda ganacsiga Puntland ayaa sheegtay in lacagaha ay dadka shacabka weydiiyeen aysan ahayn canshuur, balse ay tahay lacagta shatiga ah, taasi oo ay bixiyeen.
Weli Booliska iyo hay’adaha ammaanka Puntland kama hadal rasaasta maanta ciidanka Ammaanka ay ku fureen dadka shacabka ah ee maanta bannaanbaxa dhigayay.