Xildhibaanada Baarlamanka maamulka Puntaland ayaa maanta Fadhiga 27-aad ee Kalfadhiga 46-aad ee Golaha ku yeeshay Magaalada Garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal, waxaana shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan, Guddoomiye ku xigeenka 1aad AVV: Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & ku xigeenka 2-aad, Ismaaciil Maxamed Warsame.
Fadhiga maanta Ajandaha ayaa ahaa dhameystirka Qodobka 11-aad ee Arrimaha Xuduudaha Puntland, Gobollada Sool iyo Sanaag.
Xildhibaannadda Golaha Wakiillada DPL oo shalay ka yeeshay dood-sharci Arrimaha Xuduudaha Puntland, Gobollada Sool iyo Sanaag, ayaa maanta isku raaceen in qodobkaas lagu-daro Qodobka la Xisaabtanka Xukumadda.
Dhinaca kalena, Xildhibaannadda Golaha Wakiillada DPL ayaa isla maanta cod Aqlabiyad ah ku ogolaaday in Ajandaha berri uu noqdo Dib-u eegista heshiiska P&O Ports ( DP-WORLD), isla markaana loo yeero Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Puntland Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino).