Beesha caalamka ayaa walaac xooggan ka muujisay Isbedeladdii ku dhacay siyaasadda Soomaliya gaar ahan kalsooni kala laabashadii Xildhibaanada Golaha shacabku ay ku sameeyeen Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Qoraal ay soo saareen Beesha Caalamka ayaa waxaa ay ku sheegeen in tallabadaan ay ku dhawaaqday dowladda dhexe ee Soomaliya ay cabad ku noqon karto geeddi socodka nabadeed ee dalka Soomaliya, waxaana ay sheegeen in laga yaabo in ay wiiqdo guulihii waaweynaa ee dowladda Federaalka hadda jirta ay horay u gaartay.
Doorashooyinka soo aaddan ee dalka ka dhici doono ayay beesha caalamku ka digatay in la carqaladeeyo, doorashadana waqtigeeda aan laga dib marin.
Hadalka Beesha Caalamka ayaa imaanaya iyadoo ay jireen eedeymo heer caalami ah oo golaha shacabka iyo Madaxweyne farmaajo loo jeediyay, kuwaas oo la xariiray kalsooni kala laabashadii Golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya ay ku sameeyeen Xasan Cali Kheyre.